Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho oo bilaabay in ay guryahooda isaga barakacaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah dadka  ku nool magaalada Muqdisho ayaa bilaabay  in ay ka barakacaan guryahooda, iyaga oo ka baqaya in ay sii xoogeystaan xasaradaha ka taagan Muqdisho .

Qoysas deganaa agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa shalay illaa iyo xalay bilaabay in ay ka barakacaan guryahooda, kagadaal markii lasoo dul dajiyay ciidamo daacad u ah musharraxiinta mucaaradka, kuwaasi oo ugu dambeyn ciidamada dowladda ay xalay saqdii dhexe  ka faramaroojiyeen goobihii ay soo galeen.

Xaaladda ayaa weli aad u cakiran, iyada oo waddooyinka caasimadda iyo isgooysyada muhiimka ah lagu arkayo cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Daljirka Dahsoon oo siyaasiyiinta mucaaradku ay sheegeen in ay ka dhigi doonaan isku soo baxa ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda, kuwaasi oo wata gawaarida gaashaman ee  dagaalka.

Qaar ka mid ah dadka fara ku tiriska ee ku haray guryahooda  islamarkaana xalay lagu dul dagaalamay aya Idaacadda Shabelle uga sheekeeyey xaalada ay ku sugan yihiin.

Dhinaca kale wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa hadba dhinac isu dhaafaya gaadiidka ay leeyihiin ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa ah mid ka soo reyneyso, iyada oo ammaanka guud ee caasimadda ay sugayaan ciidamad  dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this