Deeq A. Posted February 19, 2021 Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxayo Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel Huur oo kaabiga ku haya deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdiaho. Inta la xaqiijiyay 6 qof oo ay ku jirto haweeney 60 jir aheyd ayaa ku geeriyootay shilkan gaari, waxaana la sheegay in dadka geeriyooday ay dhammaantood ahaayen dad isku qoys ah. Gaariga shilka galay oo nuuciisu ahaa kuwa raaxada ayaa la sheegay in uu ku dhacay Kaawo carada laga qodo, taasi oo hoos u qodan ku dhowaad toban mitir, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad ehel la’ah qosyka ay waxyeeladu soo gaartay Xasan Maxamed Cali oo ka mid ah ehelka dadka geeriyooday oo Shabelle la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay wax u dhecen, waxaana uu sheegay xiliga shilka uu dhacyey in dadkan ay ku sii jeedeen xaflad Aroos ah, balse inta aysan gaarin ay la kulmeen dhacdadaasi shilka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites