Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo war kasoo saaray xiisada ka taagan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inaysan aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay.

Waxa uu mar kale ku celiyay in doorashadii lagu ballamay ay dhaceyso, guulana laga gaaray  sidii ay u qabsoomi lahayd, isagoo muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto oo qanciyo cid kasta oo tabasho qabta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this