Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo war kasoo saartay xaaladda kacsan ee magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kuna baaqday mar kale in si deg deg ah loo dhameystiraa heshiiskii doorashada.

“Qaramada Midoobay waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo Jimce ah, waxayna ku baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha”, ayaa lagu yiri qoraal la soo dhiggay bartaha xafiiska Qaramada Midoobay e Soomaaliya uu ku leeyahay Twitter-ka

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this