Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya madfac ku dhacay garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa la arkayay uuro iyo qiic madow oo hawadda isku shareeray kaddib markii madfac lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in madfaca  ku dhacay garoonka diyaaradaha uu sababay in ay  istaagaan howlihii garoonka.

Arintan ayaa imaaneysa xili haatan Muqdisho ay ku jirto xaalad kacsanaan ah, islamarkaana ciidanka ammaanka ay ka hortageen dibad-bax rabshada watay oo ay dhigeen xubnaha mucaaradka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa xiran waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda oo ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this