Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xiisadda colaadeed ee ka curatay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah war ka soo saaray xiisadda colaadeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho, taas oo u dhexaysa dowladda iyo mucaaradka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Bahda Qaramada Midoobay aad uga walaacsantahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.”

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay ku baaqday in ay shir deg deg ah isu’gu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgelinta Arrimaha doorashada.

Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar.”

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xiisadda colaadeed ee ka curatay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this