Deeq A. Posted February 19, 2021 Waxaa saaka degan xaaladda magaalada Muqdisho, kadib dagaal culus oo xalay ka dhacay caasimadda, kaas oo u dhexeeyey ciidanka ammaanka iyo kuwa midowga musharraxiinta. Ciidamada dowladda ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyaga oo isku geedaamay taalada Daljirka Daahsoon. Sidoo kale ciidamada ayaa xiray inta badan jidadka muhiimka ah, iyaga oo dadka iyo gaadiid ka celinaya inay isticmaalaan wadooyinkaasi. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyadoo lagu wado in maanta banaanbax ay soo abaabuleen mucaaradka uu ka dhaco caasimadda, lamana oga sida ay wax noqon doonaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites