Deeq A. Posted February 19, 2021 Magaalada Muqdisho ayaa degan kadib qalaalaaso yar oo Xalay ka dhacay Daljirka Dahsoon iyo Hotelka ay Deganbyihiin Laba Madaxweyne Hore Xasan iyo Shariif.’Ciidamada Dowlada ayaa weerar kusoo qaadey Daljirka Dahsoon waxaana la isweydaarsadey Rasaas, nasiib wanaag cidna wax ma gaarin. Falkaan waxaa Cambaareeyay Musharixiinta io ku tilmaamay dal aan loo dulqaadan karin , Waxayna si toosa ugu eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu ka dambeeyo Amarka lagusoo weeraray. •Xalay goor dambe ayaa nala soo weeraray waxaa nasoo weeraray Ciidankii Dowlada, waa nasiib daro in falkaan ay ku dhaqaaqaan” Waxaa sidaas yiri Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Oo Saxaafada la hadlay euxuu Cambaareeyay weerarka lagusoo qaadey Hotelka iyo Daljirkabdahsoon, wuxuu carabka ku adkeeyey in Mudaharaadku uu u dhacayo sidii loo qorsheeyay. Sida aan ku aragtay Wararkayagii Xalay, Wadooyinka Muqdisho kuwa halbowlaha ah Ciidamo ayaa la geeyay. Maka Almikarama, Wadnaha iyo Jidka Sodonka Ciidamada Dowlada ayaa xiray ilaa saakana waa xiran yihiin mana jiro Gaadiid maraya. Tarabuunka ilaa KM 4 Waxaa jooga Ciidamo taageersan Musharixiinta, Daljirka Dahsoon waxaa jooga Ciidamo uu hogaaminayo Janaraal Indhacade. Wixii soo kordha kala Soco Puntlandi.com The post Wararkii u dambeeyay Xaalada Muqdisho iyo weerarkii Xalay appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites