Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Deeqo Xasan oo farriin u dirtay shacabka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Senator Deeqo Xasan Xuseen oo ka mid ah mudanayaasha golaha aqalka sare ayaa si adag uga hadashay xaaladda cakiran ee magaalada Muqdisho iyo dibad-baxa mucaaradka.

Marwo Deeqo Xasan ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in aysan ka qeyb-gelin dibad-baxa la qorsheynayo in maanta oo Jimco ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyada oo tilmaamtay in wax dan ah uusan ugu jirin guud ahaa Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in banaan-baxan uu lee yahay wejiyo kale, islamarkaana dano siyaasadeed iyo kuwa gaar ah laga leeyahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ciidamada ammaanka ee dowladda ay la wareegeen taaladda Daljirka Daahsoon oo loo qorsheeyey inuu ka dhaco dibad-baxa, si ay sugaan amniga, uga hortegaan dibad-baxaas oo ku soo aaday, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this