Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo helay+Sidii dagaalka loogu dilay fircoonkii Masar xukumi jiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog cusub oo helay+Sidii dagaalka loogu dilay fircoonkii Masar xukumi jiray

Meydka boqor Seknen Ra
Meydka boqor Seknen Ra

Baaritaanno loo adeegsaday raajada nooca loo yaqaanno “CT scans” ah ayaa lagu ogaaday arrimo ku saabsan dilkii fircoonkii lagu magacaabi jiray Seqnen Rac-Taacaa II, oo Masar xukumayay 3,600 oo sano ka hor.

Wargeyska Seyniska wax ka qora ee Frontiers ayaa daabacay natiijada baaritaanka oo uu sameeyay kii hore ee arrimaha taariikhda Masar, Zahi Hawass, isagoo kaashanayay Sahar Selim, oo ah barfasoor cilmiga baaritaannada raajada ka dhiga jaamacadda Qaahira.

Labada cilmi baare ayaa sharraxaad cusub ka bixiyay sidii uu ku dhintay Seqnen Rac, iyagoo xogtoodana ku saleynaya labo ilaa saddex sawirrada raajada CT scan-ka ee ay ku sameeyeen meydka boqorka.

Waxay ku arkeen calaamado dhaawacyo ah oo ka muuqda gacmihiisa, taasoo sharraxeysa suurtagalnimada in dagaalka lagu qabtay isagoo nool, kaddibna gacmihiisa loo xiray gadaal, sidaas awgeedna uusan iska difaaci karin jugta looga dhufanayay madaxa iyo wajiga.

Raajooyinka ayaa shaaca ka qaaday dhaawacyo madaxa uga yaalla oo markii hore qarsanaa, maadaama raajooyinkii la saaray 1960-kii aysan ahayn kuwo casri ah.

Sawir laga qaaday meydka boqor Seqnen Rac-Taacaa II
Sawir laga qaaday meydka boqor Seqnen Rac-Taacaa II

Waxaa la qiyaasayaa in boqorka maaxa wax looga dhuftay isagoo hurda, taas oo sababtay in uu geeriyoodo, maadaama aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya in dhaawac seef oo meel kale laga gaarsiiyay, oo aan ka ahayn midka madaxa uga yaalla.

Baaritaanka cusub ee raajada CT ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday qiyaasta ku aaddan da’da boqor Seqnen Rac ka hor inta uusan geeriyoonin, waxaana lagu sheegay ilaa 40 sano, sida ay muujinayaan lafihiisa.

Meydka Seqnen Rac ayaa laga arki karaa in uu la mid yahay sida dadka caadiga ah ee Masaarida, oo dhirirkoodu yahay 170 cm iyo in jir ahaan uu ahaa qof xoog badan.

صورة لمومياء الملك سقنن رع

Seqnen Rac wuxuu safka hore uga jiraa boqorradii soo maray taariikhda dalka Masar. Sida uu sheegay Selim Hasan oo ku xeel dheer taariikhdii hore ee dalkaas, Seqnen wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee billaabay dagaalkii waddanka looga xoreynayay maamulkii Hyksos, kaasoo isaga markii uu geeriyooday ay sii dhameystireen wiilashiisii la kala oran jiray Kamos iyo Ahmose.

Isagu wuxuu ahaa wiilkii uu dhalay boqor Sanakht An-Rac Taac I, wuxuuna ka mid ahaa boqorradii 17-kii qoys ee soo maamulay Masar.

Taariikhyahannadu way isku khilaafaan muddada uu Seqnen xilka soo hayay. Waxaa la aaminsan yahay in uu taajka boqortooyada qaatay 1560 BC.

Markii ay taariikhdu ahayd 1880 AD ayaa meydka Swqnen Rac laga helay meel u dhow macbadka 1560 BC.

Cilmi baareyaal uu horkacayo Elliot Smith ayaa aaminsan in Seqnen uu ku dhintay dagaal culus oo loo adeegsaday tooriyo iyo faasas, oo ay ku soo qaadeen labo qof ama wax ka badan xilli uu boqorka ku hurdayay sariirtiisa, dhaawacyadii lagu dhuftayna ay uga dhaceen madaxa iyo wajiga.

بلطة قديمة

Dadkii meydkiisa u yimid uma suuragalin in ay si fiican isugu duwaan ama ay ka masaxaan dhiigga iyo qeybo ka mid ah maskaxdiisa oo kasoo qulqulayay wajiga.

Cilmibaareyaal kale oo uu ka mid yahay Mesbro ayaa sheegay in Seqnen Rac lagu dilay goob dagaal, sababta looga adkaadayna ay ahayd in uusan heysanin hub fiican oo ku filan.

 

خنجر أثري

Inta badan taariikhyahannada ayaa isku raacay in Senen Rac uu aad uga soo hor jeestay boqorkii maamulka Hyksos, ee la oran jiray Apophis, kaasoo dhibaato weyn iyo cadaadis ku hayay caasimaddiisa gacanka Nile.

Sida uu sheegay Maniton al-Samnudi, oo ku xeel dheer taariikhda, boqorkii Hyksos wuxuu farriin daahdaansi ah usoo diray Seqnen Rac, isagoo u sheegayay in uu dagaal ku dhawaaqay, maadaama sida uu ku andacoonayay uu ka seexan waayay dhawaaqa jeerta ku nooleyd harada ku taalla qasrigiisa agtiisa, inkastoo ay u dhaxeeyeen boqollaal kiiloomitir.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this