Sign in to follow this  
Deeq A.

BBC-da loogu heysto Wareysi ay la yeelatay Haweeney Muslim ah?+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

 BBC-da loogu heysto Wareysi ay la yeelatay Haweeney Muslim ah?+Sababta

Zara Mohammed
Zara Mohammed waxaa bayaaqadii bishii January loo doortay in ay hoggaamiso Golaha Muslimiinta Britain

Wareysi Barnaamijka haweenka ee idaacadda BBC Radio 4 lagula yeeshay haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqotay Golaha Muslimiinta Britain ayaa lagu tilmaamay mid ay “cadaawad ku dheehneyd”.

In ka badan 100 siyaasi, qoreyaal iyo dad kale oo caan ka ah bulshada dhexdeeda ayaa saxiixay warqad looga cabanayo sida barnaamijkaas loogula dhaqmay Zara Mohammed.

Waxaa warqaddaas lagu sheegay in wariyaha barnaamijkaas daadihineysay, oo lagu magacaabo Emma Barnett, ay u muuqatay “in ay kusoo celcelineysay erayo dhaawicitaan iyo waxyeelleyn ah” oo ku saabsan Islaamka.

Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa sheegay in shirkaddu ay arrintan jawaab ka bixin doonto “waqtiga ku habboon”.

 

Emma Barnett
Emma Barnett waxay daadihiyaha barnaamijkan noqotay bilowgii sanadkan

Dadka warqadda dacwada ah saxiixay waxaa ka mid ah Xildhibaan Baroness Warsi, oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka, xildhibaannada xisbiga Labour-ka ee kala ah Diane Abbott iyo Naz Shah, wariye Afua Hirsch, atooraha reer Britain ee lagu magacaabo Jordan Stephens iyo xoghayaha guud ee Golaha Muslimiinta Britain, Sir Iqbal Sacranie.

“BBC-du waa in ay ka taxadarto sida ay ula hadleyso haweenka Muslimiinta ah,” ayaa lagu yidhi warqadda.

Si gaar ah waxaa loo dhibsaday su’aal ay dhowr jeer “soo celcelisay” wariye Barnett oo ay ku weydiineysay tirada imaamyada haweenka ah ee jooga Britain.

“Iyadoo Zara Mohamed ay dhowr jeer ku celisay in howsheeda aysan ahayn dhinaca go’aannada diinta ku saleysan oo ay qaabilsan tahay dhinaca Arrimaha Bulshada, Barnett waxay su’aasha ku saabsan imaamyada dumarka ah weydiisay afar jeer, mar kastana waxay dhex galeysay jawaabta Zara,” ayaa lagu yidhi warqadda.

Wariyaha wareysiga qaadeysay “waxay u ekeyd sida wariye wareysi la xisaabtan ah ka qaadaya qof siyaasi ah, halkii ay u qaabili lahayd islamarkaana u aqoonsan lahayd inay la hadleyso hoggaamiye mataleysa haweenka muslimiinta ah ee Britain”, ayaa lasii raaciyay.

Waxaa kale oo warqadda lagu xusay in wariyaha ay si khaldan isula barbardhigtay imaamyada iyo baadariyada diimaha kale.1px transparent line

Kaddib markii warqaddaas la daabacay, afhayeenka BBC ayaa yidhi; “Mowduucan waa mid aan horayba ugu mashquulsaneyn ka jawaabistiisa, hadda oo aan warqaddan helnayna waxaan uga jawaabi doonnaa waqti ku haboon.”

Barnett wali arrintan kama aysan hadlin wixii ka dambeeyay qoraalkii ay Twitter-ka soo dhigtay wareysiga kaddib.

Warqadda looga cabanayay wareysiga BBC-da ayaa sidoo kale lagu sheegay dhaleeceyn ku saabsan in BBC-da gudaheeda “aysan ka jirin wakiilnimo” waxaana loogu baaqay shirkaddan warbaahinta ah in ay soo saarto bayaan shacabka ugu sheegeyso “in ay toosinayaan la dhaqanka haweenka Muslimiinta ah” ayna shaqaaleysiiyaan Muslimiin qabata xilalka hoggaaminta ah.

Golaha Muslimiinta Britain waa dalladda ugu weyn ee ay leeyihiin bulshada Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Britain, waxaana xubno ka ah in ka badan 500 oo qof. Sidoo kale waxaa xubin ka ah masaajidyo, iskuullo, hayado samafal iyo shabakado rasmi ah.

Markii uu wareysigaas baxay 4-tii bishan February kaddib, Barnett waxay faafisay cod Twitter-ka lasoo galiyay oo laga soo jaray wareysiga, gaar ahaan qeyb ah iyadu ku leedahay: “Wali waxaan qabaa su’aal waxaana jeclaan lahaa inaan ogaado” arrinta ku saabsan tirada imaamyada dumarka ah. Waxay sidoo kale Zara uga mahad celisay “wareysiga ballaaran ee ay la yeelatay”.

Barnaamijka ayaa markii dabe codkaas ka saaray Twitter-ka, hase yeeshee waxaa sababta lagu sheegay in loo baahnaa in wareysiga uu dhameystirnaado si loo wada maqlo xogta ku jirtay wareysiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this