Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka socda Daljirka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iska hor-imaad xoog leh yaa hadda ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada. Dagaalka oo la isku adeegsanayo hub culus ayuu xoogiisu ka socdaa taalada Daljirka Daahsoon oo ah goobtii loo asteeyey in lagu qabto banaanbaxa.

Waxaa sidoo kale halkaas ku yaalla Hotel Nasahablood 2, oo ay degan yihiin qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah xubnaha sare ee xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay soo weerareen hotelka ay degan yihiin labadii madaxweyne ee hore.

Sidoo kale Senator Ilyaas Xasan oo ka mid ah xisbiga Himilo Qaran ee Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaa nasiib daro ah in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Farmaajo uu weerar cad kusoo qaadey Daljirka-Dahson oo oo maalinta berito ah loo diyaariyay inuu kadhaco mudaaharaad nabadeed halkaas oo ay joogeen ilaalada Masuuliyiinta Midowga Musharraxiinta oo ay ugu horeeyaan 2dii Madaxweyne ee hore Sheikh Sharif iyo Hassan Sheikh.”

Illaa iyo hadda ma cadda sida dagaalku ku billowday, waxaana wararka ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo ciidamada ilaalada musharaxiinta iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamo uu hoggaaminayo Jeneraal Indhacadde ayaa fiidkii hore ee caawa la wareegay fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, halka dowladdana ay ciidamo ku daadisay aagaas iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada.

Jeneraalka oo warbaahinta kula hadlay Daljirka ayaa sheegay in dalkan aysan dowlad ka jirin, isla markaana uu isku xil qaamay sugidda ammaanka banaanbaxayaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this