Deeq A. Posted February 18, 2021 Qeybo kamid ah waddooyin magaalada Muqdisho waxaa caawa lagu arkayaa ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwo ka amar qaata mucaaradka. Ciidamo uu hoggaminayo Yuusuf Indhacadde ayaa caawa la wareegay aagga Taallada Daljirka Daahsoon oo la filayo in maalin berri ah uu ka dhaco bannaanbax ay hoggaaminayaan Midowga Musharixiinta. Yuusuf Indhacadde oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadda uu horkacayo ay sugi doonaan ammaanka bannaanbaxyaasha iyo mas’uuliyiinta kala qaybgalaysa ee mucaaradka. Dhanka kale ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu soo daadiyay qaar kamid ah isgoysyada Muqdisho, kuwaas oo baaritaano sameynaya. Dadka Muqdisho ayaa ka cabsi qaba isku dhacyo ka dhasha ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ee caawa kuwada sugan waddooyinka Muqdisho. Mucaadka ayaa berri oo jimce ah qorsheynaya mudaharaad ka dhan ah madaxweyne Farmaajo, halka dowladduna ay mamnuucay isu soo baxyada. PUNTLAND POST The post Xaaladda Muqdisho ee caawa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites