Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa hogaaminaya Ciidamada la wareegay Tarabuunka ilaa Nr.4

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan Ciidamada Dowlada laakiin taageersan Musharixiinta ayaa la xaqiijayay inay la wareegeen Tarabuunka ilaa Nr.4, waxaana Ciidamadaan hogaaminaya Taliyihii hore ee Ciidanka Danab Korneyl Ismaaciil Cabdimaalik (Sawirka kore) oo ah Reer Deyniile.

Taliyahaan wuxuu Xalay la wareegay Ciidamo ka tirsan Ciidamada Dowlada, wuxuuna Galabta makhribkii usoo ruqaansadey Dhinacaas iyo Degmada Hodan, waxayna sal dhigeen Tarabuunka iyo Isgoyska Nr.4.

Warar waxaa jira iyana in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada ay Diideen inay Xiraan Wadooyinka Magaalada Qaarkood.

Waxaa jira iyana warar sheegaya in Qaybo kamida Golaha Wasiirada Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey ay ka gadoodeen qaabka ay Xukuumadu u maaraynayso Mudaharaadka Mucaaradku isugusoo baxayaan.

Beri oo Jamce ah waxaa lagu balansan yahay Mudaharaad loogasoo horjeedo Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey,

Puntlandi.com Muqdisho

16B5F7C3-8627-4B22-B36C-BE8F860F970D.jpe

The post Yaa hogaaminaya Ciidamada la wareegay Tarabuunka ilaa Nr.4 appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this