Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Abul-geyd oo warqadaha ka guddoomay Danjire Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta mudane Axmed Abul-geyd ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka joogtada ah ee Somaaliya u fadhin doona Jamaacadda Carabta mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar.

Safiir Ilyaas ayaa u gudbiyay xoghayaha salaan uu ka siday Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo iyo Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Safiir Ilyaas ayaa balanqaaday inuu ka shaqayn doono sidii loo sii xoojin laha xariirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeeysa wadamda Carabta iyo Soomaaliya.

Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa dhawaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Jaamacadda Carabta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this