Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Australia oo ka hadashay xayiraadda ay ku soo rogtay Facebook

Recommended Posts

Deeq A.   
2-20.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in dowladiisa aysan cabsi gelin doonin xayiraadda ay Facebook ku soo rogtay  wararka lagu daabaco bartaasi ee ay isticmaalaan dadweynaha Australia.

Ra’iisul wasaare Morrison ayaa tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen Shirkadda Facebook ku tilmaamay mid la xiriirta kibir iyo niyad jab.

Go’aanka Shirkadda Facebook ayaa jawaab u ah sharci la doonayo in laga sameeyo Australia, kaas oo ka dhigaya in shirkadaha waaweyn ee teknolojiyaddu ay bixiyaan lacagaha ku baxa wararka.

Bogag ka mid ah kuwa caafimaadka dawladda, xaaladaha degdegga ah iyo bogag kale ayaa sidoo kale la xiray manta oo Khamiista  ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Australia oo ka hadashay xayiraadda ay ku soo rogtay Facebook appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this