Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo Ganacsatada la qaatay kulan ku saabsan COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   
4-3.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha  bulshada xilligan  dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaal Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo Ganacsatada la qaatay kulan ku saabsan COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this