Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Murashixiinta oo si adag uga horyimid go’aankii dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa jawaab ka bixiyay go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku mamnuucday isu-soobaxyada dadweynaha, si looga gaashaanto xanuunka COVID-19.

Midowga Murashixiinta, ayaa sheegay in aysan waxba ka beddeli doonin dibad-baxyadii ay ku baaqeen, in la isu’gu yimaado maalinta jimcaha oo berri ku beegan, islamarkaana waxay sheegeen in aysan dheg jalaq u siin doonin go’aanka dowladda.

Afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka ee Garabka Midowga Murashixiinta Cabdullahi Cabdi Maxamed ayaa sheegay in banaanbaxyada uu xaq dastuuri ah siinayo dadweynaha, si ay ugu soo bandhigaan aragtidooda kuna gudbiyaan cabashada ay qabaan.

Afhayeenka oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Midowga Musharixiinta ay diyaariyeen Agab kasta oo looga hortegi karo Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in abaabulkii ugu dambeeyay ee banaanbaxa ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, isaga oo xusay in salaada Jimcaha dadweynaha & Madaxda ay ku dukan doonaan Taalada Daljirka, sidoo kalena dadka doonaya inay banaanbaxa ka qeyb galaan loo diyaariyay Gawaari geyneysa Goobta banaanbaxa.

PUNTLAND POST

The post Midowga Murashixiinta oo si adag uga horyimid go’aankii dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this