Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo shir Muqdisho ah isu’gu yeeray madaxda dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka  isu’gu yeeray maadxda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Shirka lagu qaban doono magaalada Muqdisho islamarkaana uu qabsoomi doono mudada u dhexaysa 18-19 bishan February 2021 si loo dhammaystiro heshiiskii guddiga Farsamada.

Shirka waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.” Ayaa lagu soo xiray Qoraalka Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo shir Muqdisho ah isu’gu yeeray madaxda dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this