Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaal hore Xasan iyo Shariif oo u guuray caawa Hotel ku dhow goobta Jamcada lagu balansan yahay,

Recommended Posts

Deeq A.   

Hotel Naasahablood oo u dhow Daljirka Dahsoon waxaa lagu wareejiyey Ciidamo farabadan oo Gaadiid Dagaal wata, Shacabka Deegaankaas ayaa aad isu waydiinayay sababta Ciidamadaan ula wareegeen Amaanka Hotelka.

Waxyar kadib waxaa la ogaadey in Ciidamadu ay yihiin Ilaalada Gaarka ah ee Laba Madaxweyne hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed oo caawa u soo guuray Hotel Naasohablood.

Waxaa muuqata in labada Madaxweyne ay hada barkintooda sii dhigteen Daljirkadahsoon oo ah goobta lagu balansan yahay Mudaharaadka la sheegay in lagu macadalaameynayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xogtaan oo Puntlandi.com ka helay Dad aad ugu dhow labada Madaxweyne, waxaa isna la socda Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aaden.

0709B379-363E-40BA-8EEA-1CB4D5D5C71C.jpe

The post Madaxweynayaal hore Xasan iyo Shariif oo u guuray caawa Hotel ku dhow goobta Jamcada lagu balansan yahay, appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this