Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:- Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay ganacsatada + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bulshada xilligan dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Halkan hoose ka daawo Sawirada:-

FB_IMG_1613581947535FB_IMG_1613581952735 FB_IMG_1613581941766

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this