Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Sare Ee Idaacadda BBC-da Oo Shaqada Ka Eryey Weriye Cabdirisaaq Catoosh

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Cabdirisaaq Catoosh oo ka mid ahaa Weriyeyaasha muddada ka hawl-galayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa shaqada ka tagay Toddobaadkan.

Weriye Catoosh oo ka hawl-galayey Xarunta BBC-da ee Magaalada Nairobi, ayaa si rasmiya shaqada uga tagay Toddobaadkan, ka dib markii Maamulka sare ee Idaacaddaasi uu shaqada ka joojiyey sida la sheegay.

Lama oga sababta Maamulka sare ee Idaacadda BBC-du uu shaqada uga eryey Weriye Catoosh, balse ilo-wareedyo ayaa sheegay in dad badan ay Maamulka Idaacadda uga soo cawdeen Catoosh, taasina aakhirkii sababtay in Maamulku uu go’aan ku qaato inay cadhiyaan Weriyaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this