Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News Ex-M/weyne Xasan Sheekh : – ” Waa inoo Jimcaha 19 Feberaayo iyo Dal-jirka dahsoon, cid naga baajin kartaana ma jirto “

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed ayaa maanta Bulsha-weynta Somaaliyeed ee ku dhaqan Caasimada Muqdisho u sheegay in uu hor kici doona Banaanbaxa weyn ee loo balansan yahay inuu ka dhaco magaalada Muqdishu Jimacaha 19 Febraayo 2021.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hadlaayey Afka Golaha Mudowga Musharixiinta Somaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo Warbaahinta u qabtay ku sheegay in Banaanbaxa ay ku baaqeen maalinta Jimcaha uu yahay mid xaq oo waafqsan Dastuurka Dalka isla markaana aanay jir cid ka hor istaagi karta.

Hadalka Madune Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aaday daqiiqado ka dib markii Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadii Wakhtigeedu dhamaaday ay soo saareen go’aano iyo amaro siyaasadeed oo ay uga hortagayaan Banaanbaxyada Golaha Midowga Musharixiintu ku baqeen iyagoo ku gabanaaya oo cudur-daar ka dhiganaaya ka hortaga faafidaanka cudurka Corona.

Halkan ka daawo shirka Jaraa’id ee Mudane Xasan Sheekh :

The post Breaking News Ex-M/weyne Xasan Sheekh : – ” Waa inoo Jimcaha 19 Feberaayo iyo Dal-jirka dahsoon, cid naga baajin kartaana ma jirto “ appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this