Deeq A. Posted February 17, 2021 Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo dadka deegaanka uu ka dhacay deegaanka Jiic-dheere ee gobolkaasi. Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi oo hoostaga Bacaadweyn. Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ayaa sidoo kale la sheegay inay dagaalka markii dambe ka qeyb-qaateen, iyaga oo gurmad ahaan ugu tegay dadka deegaanka. Saraakiil u hadashay taliska Xoogga dalka ayaa sidoo kale shaaciyey in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kalena lagu dhaawacay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, iyada oo ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites