Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjire Ilyaas oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar Saamix Shukri aya warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Masar Ilyaas Sheekh Cumar.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar, ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ayaa nuqul ka mid ah waraqadaha aqoonsiga danjirenimo ku warejiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Masar.

Ugu horreyn Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey wasiirka arrimaha dibada dowladda Masar sida wanaagsan ee uu u qaabilay, waxuuna u gudbiyey salaan iyo boggaadin uu ka waday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Cabdel Fataax Al-Sisi.

Kulanka kadib ayuu safiirka Soomaaliya ee Masar sheegay in uu wax badan ku soo kordhin doona xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya  labada dal.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this