Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay qodobada shirkii Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay shirkii guddiga farsamada ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay qodobada laga soo saaray shirkaas oo gogol xaar u ahaa midka wada-tashiga dowladda federaalka & dowlad goboleedyada.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.

Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this