Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawir Qaade Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Awalad Yare]  oo ahaa sawir qaade iyo  muuqaal duube si weyn looga garanayay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in koox hubeysan ku dhax dileen gudaha Studio uu ku lahaa degmada Howl-wadaag.

Qof ay saaxiibo dhaw ahaayeen marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag hubeysan subaxnimadii hore ee saaka ugu taggeen goobtiisa shaqada kaddibna ay halkaa ku toogteen.

Marxuumka ayaa caan ku ahaa duubista xafladdaha kala duwan sida Aroosyada iyo munaasabadaha kale ee leysugu yimaado, hasse ahaatee warar kale soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in uu si gaar ah u ahaa sawir qaade la shaqeeyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka marxuumka sidoo kalana wali laamaha Amniga dowladda Soomaaliya kama hadal dilka marxuun Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Awalad Yare]

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this