Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha DF Soomaaliya oo lagu soo rogay amar cusub iyo digniin la siiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya ayaa soo rogtay amar hor leh iyadoo shaqaalaha dowladda ku amartay iney guryahooda joogaan.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxaa lagu sheegay in shaqaalaha ay si kumeel gaar ah u hakiyaan isu imaatinka iyo xaadirintooda, waxaana sabab looga dhigay xanuunka Covid19 oo aad u saameeyay bulshada.

Shaqaalaha dowladda waa la fasaxay intooda badan iyadoo la rabo in laga fogaado xanuunka safmarka ah ee COVID19, waxaana kaliya xafiisyada dowladda tagi doona madaxda iyo shaqaalaha aan shaqooyinka joogtada ah looga maarmeynin.

Dhamaan Shaqaalaha dowladda ayaa waxaa la faray lix qodob oo looga hortagayo faafitanka COVID19.

1- in ay ka fogaadaan salaamida gacan-qaadka ah kuna ekaadaan salaanta Islaamka.

2- In ay xirtan Afxirka Maska.

3- In hadii ay heli karaan ay gashadaan Glovis-ka Gacmaha.

4- in ay isticmaalaan dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo ama Saabuun

5- In ay gacmahooda ka ilaaliyaan, indhaah, sanka iyo Afka inta karaankooda ah.

6- In qofkii isku arka calaamadaha Coronavirus in uu la xiriiro Goobaha caafimaad kana ilaaliyo Bulshada inteeda kale.

Kiisaska la diiwaan galiyay ee Covid19 ayaa sare u kacay, waana sababta keentay in wasaaradda ay soo rogto amarkaan.

Shaqada.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this