Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wafdi ka socda DF oo gaaray Dhuusamareeb iyo ujeedka ka dambeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta waxay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay wafdigaan garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, Wasiirka Amniga Galmudug iyo Saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana loo sii galbiyay dhanka Madaxtooyada maamulkaas.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, Xasan Shuute, waxaana lagu sheegay ujeedka wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga dar-dar gelinta howlaha cadaalada iyo xoojinta Amniga.

Wasiirka Gaashaandhiga, Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah Madaxtooyada Galmudug kula qaatay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, iyaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Wasiir Xasan Xaaji iyo xubnaha la socda ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Dhuusamareeb waxay qiimeyn ku sameyn doonaan amniga maamulka Galmudug, sidoo kale waxa lagu wadaa inay Galmudug ka hirgeliyaan Maxkamadd u gaar ah ciidamada ka howl-gala deeganadaas.

Arrintan ayaa imaneysa xili muddooyinkii dambe laga deyrinayay amaanka guud ee deeganada Galmudug, waxayna cadaadis xoogan kala kulmeysa dagaalyahanada Shabaabka, tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha hadda talada haya.

151297341_3724278064275861_8006623241410 151660095_3724278017609199_3623741116150 Maxamuud-Axmed-Xasan.jpg Shuute.jpg 151348803_3724278800942454_4051055531374 150784676_3724278830942451_1101235490362

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this