Sign in to follow this  
Deeq A.

Hindiya oo laga helay nooc cusub oo fayraska Corona ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha caafimaadka Hindiya ayaa ku dhawaaqay daah furka xaalado cusub oo fayraska corona  ah, kaasi oo markii ugu horreysay la sheegay in laga helay Koonfur Afrika iyo  Brazil.

In ka badan 150 qof ayaa waxaa horay ugu dhacay cudur kale oo la sheegay in uu ka soo ifbaxay Boqortooyada Ingiriiska.

Dad kabadan 100 qof oo uu haleelay xanuunkan cusub ayaa laga helay magaalada Bengaluru ee koonfurta Hindiya.

Xaalada kale ayaa sidoo kale laga diiwaan galiyay dhowr gobol oo ka tirsan Hindiya sida Maharashtra iyo magaalada Mumbai, ee caasimada dalkaas.

Hindiya oo ah dalka labaad ee ay ku noolyahiin dadka ugu tirade badan Dunida, ayaa diiwaan gelisay tiro cusub oo cudurkan ah, tirooyinkan cusub ee uu soo ritay xanuunkan ayaa la sheegayaa in ay ku sii fidayaan gudaha Hindiya.

PUNTLAND POST

The post Hindiya oo laga helay nooc cusub oo fayraska Corona ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this