Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo xiray dad looga shakiyay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS oo soo xiganeysa laamaha Amniga Ruushka ayaa sheegtay inay xireen 19 dagaalyahan oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca Waqooyiga Caucasus.

Hay’addaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen suunka loo adeegsado Qaraxyada iyo hubka darandooriga u dhaca oo ay gacanta ku hayeen tuhmanayaashan.

Waxaa xusid mudan in bishii Diseembar ee sanadkii hore, maamulka ladagaallanka argagixisada ee Ruushka ay sheegeen in ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan ciidammada amniga ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow xarunta dhexe ee Amniga ee koonfurta dalkaasi Ruushka

Guddiga Qaran ee La dagaallanka Argagixisada ee ayaa ku warramay in qof aan la aqoonsan uu isku dayay inuu xoog ku galo goob ay xubno ka tirsan booliska ka wadeen baaritaanno amni. Guddiga  ayaa tilmaamay in qofkaasi is qarxiyay, ka dib markii uu xoog ku galay goobtii uu baritaanka ka socday.

PUNTLAND POST

The post Ruushka oo xiray dad looga shakiyay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this