Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Soomaaliya oo Xalane ka dalbatay in Cadaadis lagu Baajinayo Mudaharaadka la saaro Musharixiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumada Wakhtigeedu dhamaaday ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu walwal ku hayay guuxa Musharixiinta ay ku bootaynayaan Abaabulka Mudaharaad loogasoo hor jeedo Madaxweyne Farmaajo.

Xukuumadu waxay shalay soo saareen Digniin la xiriirta Covid19 Laakiin Dadka ku xeel dheer Arimaha Caafimaadka waxay Digniintaas ku macneeyeen Hub looga hortagayo Mudaharaadka Jamcada.

Waxaa hada muuqata in Hubkaas uu shaqayn waayay oo waxay Xukuunadu hada kaalmo lagu baajinayo Mudaharaadka ay Waydiisteen Beesha Caalamka.

Warar Dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Wasiirada Caafimaadka ee Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka Amniga ay Beesha Caalamka ka codsadeen in Musharixiinta Cadaadis lagu saaro in ay baajiyaan Mudahaaradka, Xukuumadu waxay qiil ka dhiganayaan Cudurka Corona Virus iyo Xogo la xiriira Qaraxyo la maloogay oo ay sheegtay Wasaarada Amnigu inay heshay.

Macada in Beesha Caalamka ee Xalane Degan ay ka gadmayso ama rumaysanayaan Walwalka ay Xukuumadu sheegayso.

Shalay Xiriir dhex maray Musharixiinta iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka waxaa la isla soo qaadey Mudaharaadka laakiin Musharixiintu waxay muujiyeen in ay walwal ka qabaan laamaha Amaanka inay carqaladeeyaan Mudaharaadayaasha, ama ay isku dayaan falal laga dhigayo inay Mudharixiinta iyo dibad baxayaashu ay rabshado sameynayaan iyadoo la adeegdanayo taageerayaasha Xukuumada oo iskadhigaya ama isu ekaysiinaya Mudaharaadayaasha Mucaaradka.

Puntlandi.com

CC12898C-70A2-4086-B59A-DABA0D7E1CAB.jpe

The post Villa Soomaaliya oo Xalane ka dalbatay in Cadaadis lagu Baajinayo Mudaharaadka la saaro Musharixiinta appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this