Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Oo Ka Mid Ahaa Culimada Soomaalida Kuwooda Ugu Caansan Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Allaha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culumada Soomaalida kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay waxaana uu ku geeriyooday cisbitaalka Martini oo ka mid ah cisbitaalada magaalada Muqdisho balse si gaar ah dadka uu soo rito cudurka Covid 19 lagu daweeyo.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay cisbitaalka ama dowladda ee xaqiijinaya in Sheekhu uu u geeriyooday Covid 19 oo hadda ka soo cusboonaaday Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Geerida Sheekh Nuur Baaruud ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda dalka Soomaaliya iyo weliba culumaa’udiinka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this