Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Oo Covid19 ka dhigatay hub ay uga hortagayso Mudaharaadka Jamcada

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo shalay waxaa socdey olole balaaran oo Xukuumadu ay ku cabsi galinayaan Shacabka iyadoo Dadweynaha loo sheegayay in Cudurka Corona uu hada Muqdisho ku hayo fara kulul.

Raysal wasaare Rooble ayaa isna hada Saxaafada la hadlay wuxuuna ka digay kulamada Dadka badan isugu imaanayaan isagoo ku sababeeyey Covid19 oo soo laba kacleryay.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in Xukuumada wakhtigeedu dhamaadey ay qaabkaan uga hortagayaan Mudaharaadka ay iclaamiyeen Mucaaradku.

Bilowgii bishaan kumayaal Qof oo Gobolka Banaadir soo abaabuleen ayaa isusoobax sameeyey kasoo lagu taageerayay Xukuumada, Xiligaas Covid19 cabsi lagama qabin laakiin Jamcada 19 bishaan waxaa Dalka kusoo wajahan Covid 19!!!!!!!!

Tani waxay muujinaysaa in Villa Soomaaliya ay Shacabka ku cabsi galinayaan Covid19 si ay Maan Guryaha ugasoo bixin, waxaa jira iyana warar sheegaya in Xukuumadu ay khamiista soo saarayso Amaro cusub oo lagu xakameynayo isu Imaatinka,
Qaabka noocaan ah ee Xukuumadu adeegsanayso waa hub cusub oo Mucaaradka looga hortagayo.

Laakiin Hadalka maanta kasoo yeeray Raysal wasaare Rooble wuxuu muujinayaa in Villa Soomaaliya ay ka walwalsan tahay Mudaharaadka la iclaamiyey.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Xukuumada Oo Covid19 ka dhigatay hub ay uga hortagayso Mudaharaadka Jamcada appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this