Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudiyadii ku shirsanaa Baydhabo oo aan gaarin wax heshiis ah oo macne leh ( Weli waa ila meereyso )

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudiyadii ku shirsanaa Baydhabo waxaa muuqata inaysan Heshiis rasmiya ka gaarin Qodobadii miiska saaraa kuwasoo aysanba awood buuxda aysan u layhayn ka xalgaaristooda.

Sida Puntlandi.com Xogta ku hayo waxay Gudiyadu soo Diyaariyeen Afar qodob oo ah kuwa ay shaaciyeen balse San xal rasmi ah wali laga gaarin.

Qodobadaan waxaa looga wada hadlayaa Shirka 18/2,2021 ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Madaxda Dowlada Federaalka ee Xilku ka dhamaadey.

Qodobada ay soo Diyaariyeen waa

  • Arimaha Gobolka Gedo
  • Cida soo xulayss Ergada Soomaaliland
  • Gudiga Doorashada ee Muranku ka taagnaa
  • Qoondada Haweenka

Sida Puntlandi.com Xogta ku hayo wax heshiis ah oo laga gaaray dhamaan qodobadaan ma jiraan, Gudigaan wuu isku afgaran waayay laakiin waxay soo jeediyeen in Madaxda Sare loo daayo.

Su’aashu waxaa weeye Madaxda Sare ee Dalka horay ayay qodobadaan isugu afgaran waayeen, Shirkoodii u dambeeyay ee Dhuusamareeb waxaa lagusoo kala tagay iyadoon wax xal ah laga gaarin Afartaan Qodob,

Puntlandi.com Baydhabo

F1745361-96C2-462D-880C-D3006F24C86A-548

The post Gudiyadii ku shirsanaa Baydhabo oo aan gaarin wax heshiis ah oo macne leh ( Weli waa ila meereyso ) appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this