Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka Doorashooyinka Oo Maanta Kula La Yeeshay Xisbi Qaran, Wasaarada Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyada, Wasaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta Qaranka & Hay’ada Shaqaalaha Dawladda.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta kula la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran, Wasaarada Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyada, Wasaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta Qaranka & Hay’ada Shaqaalaha Dawladda.

Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii Xulista Musharixiinta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada loo dardar-gelin lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in dhammaan Murashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha uu qeexay, isla markaana uu waajibiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 91/2020 iyo Dastuurka JSL.

Laamaha Dawlada ee kala duwan ee shirkan ka qayb galay ayaa doorar kala duwan ku leh bixinta Waraaqaha cadeynaya Shuruudaha buuxintooda uu Xeerku ku waajibiyey Murashixiinta sida Shahaadooyinka Waxbrashada, Cashuur-bixinta, Deebaajiga, Dambi-la’aanta, Shaqo ka-tegista Shaqaalaha Dawladda, Warqadaha Caafimaadka, iwm.

Waxaana si qoto-dheer lays kula eegay sidii Xisbiyada, Hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo KDQ u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo dhaqan-gelinta Qoddobada Xeerka sida Shuruudaha ku xidhan Murashixiinta isku taagi doona Doorashooyinka inagu soo foolka leh.

FB_IMG_1613491572885.jpg FB_IMG_1613491570363.jpg FB_IMG_1613491567958.jpg FB_IMG_1613491565162-1.jpg FB_IMG_1613491555861.jpg FB_IMG_1613491553401.jpg FB_IMG_1613491548439.jpg FB_IMG_1613491542924.jpg FB_IMG_1613491537440.jpg FB_IMG_1613491532505.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this