Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biden oo kulankii u horeeyay la yeelan doona Hoggaamiyaasha G7

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa la filayaa in uu jimcaha soo socda kulankiisi u horreeyay la yeesho Hoggaamiyaasha dalalka ku bahoobay ururka G7.

Madaxweyne Biden iyo Hoggaamiyaasha G7 ayaa kulankooda uga wada-hadli doona Arrima ay kamid yihiin xanuunka COVID-19, dhaqaalaha guud ee dunida iyo la tacaamulka dalka Shiinaha.

Kulanka oo ku qabsoomi doona qaabka fogaan-aragga waxa si gaar ah diiradda loogu saari doona Qorshaha looga guulaysan karo faafidda xanuunka COVID-19 iyo dib u habaynta dhaqaalaha Aduunka.

Biden oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga ayaa 20-kii Janaayo xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku howlan in uu soo diyaariyo farriinta dib ula falgalka dunida iyo hey’adaha caalamiga ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Biden oo kulankii u horeeyay la yeelan doona Hoggaamiyaasha G7 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this