Deeq A. Posted February 16, 2021 Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Jubbaland ay kordhiyeen howl-gallada laga sugayo amniga magaallo xeebeedka Kismaayo. Ciidamada ayaa howl-galladooda kusoo qab-qabtay tiro dhalinyaro ah, kadib markii ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay sii daayeen qaar ka mid ah dhalinyarada, kuwa kalena ay ay gudbiyeen saldhigga, ka gadaal markii looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo hor leh ay ka sameysteen xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, si loola socda dhaq-dhaqaaq dadka & gaadiidka. Saraakiisha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka inay is-dajiyaan, sidoo kalena ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan iyo weeraro loo adeegsaday bam-gacmeedyo, kuwaas oo dhaliyey khasaare kala duwan View the full article Share this post Link to post Share on other sites