Deeq A. Posted February 16, 2021 Xukuumadda Nairobi ayaa ka hadashay maalmo, kadib go’aankii maxkamadda ICJ ay ku diiday codsigeedi ahaa in dib lo dhigo dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in dowladda Kenya ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dooda arrimaha badda, wuxuuna intaas ku sii daray in markasta ay ka go’an tahy inay is-difaacaan. Mr. Macharia Kamau oo warbaahinta la hadlayey aya yiri ” Go’aanka diidmada ah ee maxkamadda kama dhigna in Kenya ay guul-darreysatay, balse waxaan rajeynayaa in tallaabo horay loo qaado, waxaan hubaa in Soomaaliya an kaga guleysaneyno dacwadda“ ICJ ayaa ku amartay labada dhinac inay soo dirsadaan xubno si toos ah uga qeyb-gala dhageysiga dacwadda, iyadoo weli aduunka uu la ciir-cirayo xaladda Coronavirus. View the full article Share this post Link to post Share on other sites