Sign in to follow this  
Deeq A.

Gedo oo Noqotay Hadalheynta Saamileyda Siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Gobolka Gedo ayaa bilihii ugu dambeeyey noqday hadalheynta saamileyda siyaasadda dalka kadib markii uu qeyb ka ahaa miiska wadahadalka jaangoynta siyaasadda.

Gobolkan dhaca koonfurta Soomaaliya, caasimad u tahay Garbahaarey, uuna sameeyey maamulkii Maxamed Siyaad bartamihii todobaatameeyadii qarnigii tagay ayaa hadda waxaa maamulkiisa isku heysta madaxweynaha waqtigiisu dhacay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka ay ka tirsan tahay ee Jubbaland Axmed Madoobe.

Khilaafka labada dhinac oo salka ku haya awoodsheegad ayaa dhacay kadib markii la doortay Axmed Madoobe markii 3-aad August 2019-kii, iyada oo wixii xilligaas ka dambeeyey ay dowladda federaalka ah la wareegtay gacan ku heynta gobolka Gedo.

Arrinta Gedo iyo dalabka ah in maamulkeeda dib loogu celiyo Jubbaland ayaa looga hadlay shirarkii Dhuusamareeb, Muqdisho iyo xataa qeyb ka ah jadwalka shirka doorashada ee la qorsheynayo maalmaha soo socda.

Haddaba, Gedo yey tahay iney tanaasul ka muujiso?

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this