Deeq A. Posted February 16, 2021 Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa is wadajir ah u dalbaday lacag dhan 1.09 bilyan oo Dollar, si gargaar loogu gaarsiiyo dad gaaraya 4 milyan oo ruux. Qorshaha ka jawaabida arrimaha bani’aadanimada ee sanadkan oo ka badan hal bilyan oo Dollar ayaa lagu wadaa in lagu bad-baadiyo nolosha dad ka badan 4 milyan oo qof oo ku dhibaateysan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen QM & Soomaaliya. Xiriiriyaha arrimaha gargaarka QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in isbadalka cimilada iyo cuduro dilaacay ay sababeen in malaayiin ruux oo Somali ah wajahaan macluul. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu filayo in baahida gargaarka bani’aadinimo ay sare u kacdo sanadkan, iyadoo loo baahan yahay in la helo waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha. Qorshaha ka jawaabida bani’aadanimada ee QM ayaa sheegay in dad gaaraya 5.9 milyan oo ruux oo Soomaali ah ay sanadkan u baahan yihiin kaalmo bani’aadinimo oo deg deg ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites