Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee soo labo kacleynta xanuunka Covid 19

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii uu soo labo kacleeyey xanuunka Covid 19 waxaa kordhaya tirada dadka u dhimanayo cudurka, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, islamarkaana loo baahan-yahay in dadka laga wacyi-geliyo.

Wasiirka caafimaadka Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa digniin culus kasoo saartay halista faafitaanka cudurka Covid-19 oo markale soo labo kacleeyay.

Fowsiyo ayaa sheegtay, marka loo eego tiro-koob la sameeyay bishaan in ay muuqato in cudurku saa’id u faafayo, ayna jirto dhimasho horleh.

Sidoo kale waxay bulshadda la wadaagtay talooyin muhiim ah oo ah in ay ka dheeraadaan meelaha saxmada leh iyo ku dadaalida nadaafadda iyo in ay bulshadu isticmaasho Afxirka xilliyada kulamada, shirarka iyo meelaha laga raaco gawaarida.

Tirada ugu badan ee dadka cudurka laga helay ayaa ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana kusoo xiga dowlad goboleedka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:-

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka:

1,529

Laga Helay: 90              Banadir: 66     Somaliland: 19     Hirshabelle: 4

Koonfur Galabeed:1      Lab: 49      Dhedig: 41      Bogsasho : 11

Dhimasho: 2                  Tirada Guud ee Laga Helay: 5,273

Bogsashada Guud: 3,750      Dhimashada Guud: 154

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay diyaarisay qeybo cusub oo lagula tacaalidoono dadka uu soo rito cudurka, waxaana suurtagal ah in xukuumadu soo rogtay awaamiir cusub oo lagu

Xakamaynayo faafitaanka cudurka Coronavirus.Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dalka ay keeneyso tallaalka si looga hortaggo cudurka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this