Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Oo Mar Kale Weerartay Saldhigyada IRAN Ku Leedahay Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel aviva)-Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa la sheegay inay xalay weeraro ku qaadeen saldhigyo ku yaalla nawaaxiga caasimada Suuriya ee Dimishiq.

Gantaalada ay rideen diyaaradahaasi ayaa la sheegay in yoolkoodu ahaa saldhigyada ciidammada Iran ku leeyihiin magaalada Kiswa oo 14km u jirta caasimada Suuriya ee Dimishiq.

Warbaahinta Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in difaaca cirka ee dalkaasi ku guulleysteen inay soo ridaan dhammaan gantaaladii lagu soo tuuray.

Israa’iil dhankeeda ayaa xaqiijisay inay diyaaradahooda hawlgalo fuliyeen, balse ka gaabsaday inay faah faahiyaan khasaaraha ay geysteen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this