Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen oo kulan la yeeshay Guddiga Farsamada

Recommended Posts

Deeq A.   
Gareen.jpg?resize=750%2C430&ssl=1

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Farsamada ee dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku sugan Baydhabo.

Kulanka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Guddiga ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dalka

Madaxweynaha ayaa Guddiga warbixino kala duwan ka siiyay shirarkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee looga hadlayay khilaafka doorashada iyo heerarkii kala duwanaa ee shirarka soo mareen.

Sidoo kale Lafta-gareen ayaaa Guddiga Farsamada ee shirka uga socda Magaalada Baydhabo kula dardarmay inay ka qeyb noqdaan sidii loo fulin lahaa heshiiskii 17-kii September 2020 laga gaaray doorashada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Lafta Gareen oo kulan la yeeshay Guddiga Farsamada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this