Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Ku Khasbay Sacuudiga Inay Sii Daayeen Loujain Al-Hathloul??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Qoyska, gabadha u dhaqaaqda arrimaha haweenka Sacuudiga Loujain al-Hathloul, ayaa sheegay in guushii doorashada ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay gacan ka gaysatay in gabadhaas lasii daayo kadib saddex sano oo ay u xidhneyd mas’uuliyiinta Sacuudiga.

Loujain al-Hathloul, oo 31 jir ah, ayaa waxaa Arbacadii shuruud kusii daayey mas’uuliyiinta Sacuudiga.

Waxaa la xidhay bishii Mya 2018 ayada iyo tobaneeyo kale oo haween ah, toddobaadyo un kahor inta ayna boqortooyada qaadin xayiraaddii haweenka ka saarneyd inay baabuurta wadaan.

“Waxaan dhihi lahaa waa ku mahadsan tahay madaxweyne inaad caawimaad ka gaysatay in walaashey lasii daayo,” waxaa sidaas tidhi Alia al-Hathloul, oo ay walaalo yihiin Loujain.

“Waa xaqiiqo in Loujain la xiray xilligii maamulkii hore, islamarkaana lasii daayey maamlmo kadib markii Biden uu awoodda la wareegay,” ayey tidhi Alia.

“Imaanshaha Biden ayaa gacan weyn ka gaysatay sii deynta walashey.”

Sacuudi Carabiya, oo xirtay boqolaal qof oo dhaq-dhaqaaqeyaal ah, wadaaddo iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada saddexdii sano ee tagtay, ayaa dedejisay maxkamadeynta qaar ka mid ah oo ay ku jirto Loujain kadib markii uu Biden ku guuleystay doorashada.

Biden ayaa ballan-qaaday inuu xoojin doono daba-galka dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman, oo lagu eedeeyo xadudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Bin Salmaan ayaa aad ay isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this