Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Farsamada oo shir uga furmay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
2-15.jpg?resize=750%2C430&ssl=1

Guddiga Farsamada ee ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Isniin ah gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Guddigaan oo ka kooban 14-xubnoo ayaa waxaa Baydhabo uga furmay Shir looga hadlayo qodobada la isku mari waayay ee sababta u noqday fashilka shirkii Madaxda ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka ayaa sidoo kale looga arrinsanayaan halka lagu qabanayo Shir ay isugu yimaadan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si heshiis looga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Maanta oo ah 15-ka bishaan Febraayo ayaa waxaa lagu waday in Magaalada Garoowe uu furmo Shirkii uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir balse dib u dhac ayaa ku yimid.

PUNTLAND POST

The post Guddiga Farsamada oo shir uga furmay Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this