Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudiyo farasamo oo hordhac u ah Shirka Wadatashiga oo Baydhabo gaaraya maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii lagu baaqay 15 bishaan Febaraayo ayaa lagu badalay Gudiyo farsamo oo marka hore ku kulmi doona Baydhabo kadibna soo saari doona Ajandaha iyo Wakhtiga Shirkii horay loo iclaamiyey, Shirkaas waxaa markii hore ku baaqay Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey Maxamed Farmaajo, laakiin waxaa Diiday in Garowe lagu qabto Madaxweyne Saciid Deni oo isagu soo jeediyey in Muqdisho lagu qabto.

isku tuurtuurka Shirka ayaa waxaa ka dhashay in Gudiyo loo saaro, Gudiyadaasoo ka kala imaanaya Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey iyo Maamul Goboleedyada.

Kulankooda ayaa lagu wadaa inuu beri ka bilowdo Baydhabo inkastoo Wafuuda qaarkood ay Baydhabo gaarayaan Maanta oo isniin ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa hogaaminaya Gudiga Puntland halka Jubbaland uu hogaaminayo Siyaasiga ruugcadaaga ah Maxamed Cabdi Gaandi.

Puntlandi.com Kismaayo

The post Gudiyo farasamo oo hordhac u ah Shirka Wadatashiga oo Baydhabo gaaraya maanta appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this