Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: 37 Sano Guuradii Ka Soo Wareegatay Xasuuqii Wagalla

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta la xusaya 37 sano guuradii ka soo wareegatay xasuuqii lagu laayay dadka shacabka ah ee ku suganna deegaanka Waagala ee ka tirsan gobalka waqooyi barri ee dalka Kenya.

Sanadkii 1984 ayeey aheyd markii dad kabadan 4,000 Ruux xasuuq wadareed loogu geeystay fagaaraha weyn ee degaanka Waagala .

Xasuuqan ayaa la sheegay in ay geeysteen ciidamo ka tirsan kuwa kenya, kuwaas oo ka amar qaadanayay  madaxweeynihii Kenya ee xilligaas Danial arap moi, iyadoo ciidamada Kenya ay halkasi ku dileen muwadiinin Soomaaliyeed .

Xasuuqan ayaa dhacay 14-kii Febraayo sanadkii 1984 , markaas oo ay dowladda Kenya diiday in ay qaadato mas’uuliyadda Xasuuqaas.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dowladda kenya ay xilligaas ay sameeysay wax ka baxsan xeeyndaabka bini aadanimada .

Balse bishii October 2000 ayaa dowladda Kenya waxa ay si cad u qiratay in khalad ka dhacay ciidamada ammaanka. logu dilay dadkaas .

Sanadkii 2011 ayaa markii ugu horeysay la bilaabay in si rasmi ah loo xuso dhacdadaasi ka dhacday deegaanka Waagala oo khiyaastii 15km u jirta Wajir .

Shacabka ku nool Wajir iyo qaar ka mid ah Soomaalida degan gudaha dalka Kenya ayaana Sanad walba maanta oo kale xusa munaasibad baroordiiq loogu dhigayo dadkii lagu laayay xasuuqaas.

Sawirada Xuska 

150087601_2883113611957948_4327303955920 150087601_2883113611957948_4327303955920 150403036_2883113825291260_2973370316272 150562809_2883113688624607_1414001497204 150590715_2883113781957931_4377309245783 150605086_2883113721957937_5461934051343 150840257_2883113648624611_6405163891314 150893151_2883113895291253_2010994058212

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this