Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir Oo Soo Bandhigay Waxyaabahii U Qabsoomay Sanadkii Lasoo dhaafay 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay Shirwaynaha Guddiga Isboortiga Gobolka Banaadir 2021,Shirkan oo oo ka dhacay xarunta Guddiga Olombikad Qaranka Soomaaliyeed ee GOS ayaa looga hadlay waxqabadka Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir Sanadki tagay 2020

150226466_3612262822172680_1578950107066

“Sanadkii la soo dhaafay waxaa inoo qabsoomay shaqooyin badan,waxaana ugu weynd guushii uu Gobolka Banaadir ka garaży tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka dhacay caasimada Muqdisho,waxaan rajaynayaa in aan sanadkan gaarno guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Daa’uud Axmed Dheere oo madaxa farsamada Maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir.

150692617_3612264615505834_8735952045836

Shirka waxaa lagu soo bandhigay qorshaha Isboortiga 2021, waxaa shir -guddoominayay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Xasan Wiish waxaana kasoo qeyb galay Madaxa Horumarinta Amuuraha Gobolada ee Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Ibraahin Xuseen Cali (Roombo) kaasoo bogaadiyay howsha wacan ee uu Isboortiga Gobolka qabtay, guud ahaan sanadkii la soo dhaafay 2020.

149782008_3612260548839574_1190507617606

Shirka waxaa lagu soo bandhigay guushii Gobolka Banaadir 2020 ka gaaray Ciyaaraha kubbadda Cagta Maamul Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 iyo sidoo kale tartankii kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir iyo tartankii kubbadda cagta waaxyaha Gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar,waxaan si guud shirka looga mahadceliyay dadkii ka danbeeyay shaqooyinkii guulaha ku dhisnaa uu Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir gaaray sanadkii la soo dhaafay 2020.

150607775_3612263525505943_2043839414443

“Waan u mahadcelinaynaa dhamaan Madaxda isbortiga Gobolka,kaalintee ay ka qaateen shaqooyinkii adkaa ee inoo qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay,waxaan rajaynaynaa in aan sanadkan gaarno guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir mudane Xasan Yabarow Wiish

150463769_3612260308839598_8163835976786

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Gobolka Banaadir

Guddoomiye Xasan Yabarow Wiish “Waan U Hambalyaynaa Daadir Amiin Iyo Axmed Tahliil”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this