Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka iskaashiga islaamka oo cambaareeyey weerarada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka iskaashiga islaamka ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay dhibaatooyin kasoo gareen dadka shacabka ah.

Bayaan kasoo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin fool xun werarada ka dhacaya caasimadda, iyada oo lagu guda jiro diyar-garowga doorashada.

“Waxaan u tacsiyadeyneynaa ehellada dadkii ku dhintay weerarada baahalnimo ee ka dhacay Soomaaliya, waxaan sidoo kale caafimad u rajeyneynaa dadkii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri bayaanka uu soo saraay ururka Iskaashiga islaamka.

Qoraalka ayaa lagu soo gaba-gabeeyey in ururka iskaashiga islaamku garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ku garab siinayo sidii looga guuleysan lahaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli dagaal kula jiro ciidamada dowladda federaalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this